SO | EN

SO | EN

Guddoonka Labada Aqal oo magacaabay xubnaha Baarlamaanka ku matalaya IGAD

|

Muqdisho (KAAB) – Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa  si wadajir ah u magacaabay xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya Baarlamaanka urur goboleedka IGAD.

Baaralamaanka Federaalka ayaa diyaariyay shan xubnood oo isugu jiro xildhibaanno iyo senataro kuwaas oo dowladda Soomaaliya kumateli doono urur goboleedka IGAD.

Sidoo kale magacaabistan ayaa waxaa si wadajir ah usoo wada saaray guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana durba liiskan magacabiista wasaaradda arrimaha dibadda ugud biyay xogahaya guud ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale baarlamaanka ayaa wasaaradda arrimaha dibadda uxil saaray in liiska xildhibaannadan ey sitoos ah ugu wareejiyaan urur gobleedka IGAD.

Xubnaha xildhibaannada kumateli doono Soomaaliya urur goboleedka IGAD waxaa kamid ah.

1 – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh.

2 – Xildhibaan Maxamed Axmed Aadan.

3 – Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac.

4 – Xildhibaan Maxamed Cismaan Cumar.

5 – Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News