SO | EN

SO | EN

Xasan oo loo gudbiyay xogta weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad Muxuu kayiri?

|

Muqdisho (KAAB) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa xalay kulan xasaasi ah la yeeshay saraakiil katirsan ciidanka Soomaaliya, kuwaas uu kala hadlay xaalada ammaanka dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Sida wararku sheegayaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha uu la kulmay waxa ay u gudbiyeen warbixin horudhac ah oo ku saabsan weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawwaan ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kalw, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo sheegay halka uu marayo baarista weerarkii kuliyadda Jaalle Siyaad, tirada askarta ku dhimatay kuna dhaawacantay iyo sidoo kale saraakiisha u xir xiran fududeynta weerarkaasi.

Xasan ayaa ku canaantay saraakiisha ciidamada weerarka ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxa uuna ku amray in deg deg ah loosoo afjaro baarista si shacabka loola wadaago oo ay cid gaar ah u qaadato dayacaasi amni.

Dhanka kale, Xasan ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamada ka dhageestay halka ay marayaan howlgalada Al-Shabaab dalka looga saarayo iyo sida ciidamada xoogga dalka ugu diyaarsan yihiin bilaabida wajiga labaad ee howlgalka.

Weerarkii ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa sababay geerida askar badan oo laga keenay gobolka Shabeelaha Hoose, weerarkan ayaana dhaliyay tuhun la xariira in loo fududeeyay kooxda Al-Shabaab oo masuliyadiisa sheegatay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News