SO | EN

SO | EN

Xamze Cabdi Bare oo kadigay khatar amni oo kadhici karta Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – R/Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa sheegay in ciidanka dowladda oo gacan ka helaya kuwa ammaanka bilaabayaan howlgalo Al Shabaab looga saarayo deegaanno iyo degmooyin gacantooda ku jira.

Sidoo kale, Xamze ayaa sheegay in ciidamada amniga marka ay bilaabaan howlgalada ay suurto gal tahay in kooxda Al Shabaab kusoo cararaan magaalada , waxa uuna faray hayádda amniga im ay galaan feyjignaan dheeraad ah.

Dhanka kale, Waxa uu sheegay Xamze Cabdi Bare in suurto gal tahay in xubnaha Shabaabka ay ku dhax dhuuntaan dadka shacabka ah, waxa uuna dhacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago khatarta kooxahaasi.

“Hey’adaha amniga ee Muqdisho waxaa la farayaa inay feejignaadaan oo ilaaliyaan amniga magaaladaan, markii la duulo ee cadowgu jabo, wuxuu u cararayaa magaalooyinka lagu badan yahay, marka Muqdisho waxay ugu horeysaa magaalooyinka dadka ku nool lagu dhex dhuuma karo,” ayuu yiri R/Wasaare Xamsa.

Xamse, ayaa ku amray ciidamada amniga in si weyn u feejignaadaan habeennada soo socda oo aysan seexan, waxa uuna sheegay in ciidamada looga fadhiyo in ay sii adkeeyaan amniga caasimadda oo ay wax badan ka bedeleen.

Hadalka R/Wasaare Xamse ayaa kusoo aadaya xilli dhawwaan la filayo in ciidamada dowladda ay bilaabaan howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada iyo degmooyinka kooxdaasi ka joogaan bariga gobolka Galgaduud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News