Muqdisho (KAAB) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda arrimaha Dibadda Maraykanka Xamse Warfaa.
Sidoo kale, Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Xamse Warfaa ayaa guddoomiye Sheekh Aadan uga mahad-celiyey soo dhaweynta loogu sameeyay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso colaadihii sokeeye ee soomaray ayna cagta saartay dhabihii horumarka.
Dhanka kale, guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la Lataliye Warfaa ku ammaanay doorkiisa firfircoonida leh uu ka qaatay inuu ka soo muuqdo Dowladda Mareykanka, waxaana uu kula dardaarmay in dalka kaalintooda horumarineed ka qaatan, si ay ula jaanqaadaan dadyowga kala duwan ee dunida ku nool.