Muqdisho (KAAB) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyahii hore ee Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalaynta Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.
Sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa, Xubnaha siyaasiyiintii ka soo jeeda gobolka Gedo ee ka soo horjeeday maamulka Jubbaland.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa masuuliyiintan ka dhagaystay aragtiyadooda iyo talooyinkooda wax ku oolka ah iyo xaalada Gobolka Gedo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee deegaanka ka jira.
Dhinacyadii isku maandhaafsanaa siyaasadda gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inay khilaafkii dhexdooda yaallay ay heshiis ka gaareen
Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa degmada Doolow kulan kula qaatay dhawaan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed iyo Siyaasiyiin kale oo ka horjeeday maamulka Jubbaland.