GAROWE (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Puntland oo ah guddi cusub oo beddelaya guddigii hore ee ku-meel gaarka ee doorashooyinka.
Wareegto uu soo saaray madaxweyne Deni maanta ayuu ku shaaciyay in xeerka lagu magacaabay uu dhaqangalayo isla maanta kadib markuu saxiixay.
Magacyada xubnaha loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).
1.Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)
2. Maxamed Abshir Garaad
3. Maxamuud Soofe Xasan
Puntland ayaa dhowaan qabatay doorashadii ugu horreysay oo qof iyo cod ah taasoo ka dhacday illaa 30 degmo. Waxaana weli harsan illaa 3 degmo kale oo dib u dhacay ka dib markii rabshado ay hareeyeen hirgelinta doorashada oo ay siyaasiyiinta qaar ee Reer Garowe ay ka hor yimaadeen.
Madaxweyne Deni ayaa toddobaadkan sheegay inuusan dooneyn muddo kororsi, balse uu qaban doono doorasho toos ah taasoo dadka ay codkooda dhiibanayaan.
Muddada xilheynta madaxweyne Deni iyo xukuumaddiisa ayaa ku eg 8da Jannaayo 2024. Waxaana haddii lagu heshiiyo la filayaa inay dhacdo doorasho toos loo dooranayo xubnaha baarlamaanka. Odayaasha dhaqanka ayaase qaba inay iyaga soo xuli doonaan xubnaha baarlamaanka sidii hooreyba dhici jirtay.