SO | EN

SO | EN

Ciidanka dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo oo lawareegay Goojacadde

|

Laascaanood (KAAB TV) – Ciidanka SSC ayaa la wareegay taliskii ciidamada Somaliland ee Goojacadde ka dib dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood.

Waxaa baraha bulshada la soo geliyey muuqaalo iyo sawiro muujinaya ciidamada SSC oo dhex socda xarunta taliskii ciidamada Somaliland ee Goojacadde.

Sidoo kale, Ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa saldhigaas ayaa looga taag roonaaday dagaalkii saaka ka qarxay magaalada Laascaanood duleedkeeda.

Dhanka kale, gaadiid dagaal iyo maxaabiis ayaa la soo sheegayaa in ciidamada Somaliland looga qabdaday dagaalka saaka.

Goojacadde ka hor ciidamada SSC ayaa la wareegay Maraaga oo ah bar kantrool oo muhim ah oo ku taala wadada laamiga ah ee isku xirta Laascaanood iyo Garoowe. Waxaana goobtaas gacanta ku heyay ciidanka Somaliland, qabashada Maraaga ayaana SSC u fududeysay iney qabsadaan taliskii Somaliland ee Goojacadde.

Dabaaldagyo ayaa ka bilowday gudaha magaalada Laascaanood kuwaasoo loogu dabaaldagayo qabsashada Goojacadde ee SSC.

Sidoo kale, Xooggaga SSC ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen taliyihii ciidanka Somaliland ee gobolka Sool Faysal Cabdi Bootaan.

Taliyaha ayaa laga soo qabtay inta u dhexeysa degaanada Oog iyo Guumeys ee gobolka Sool, xili uu isku dayey inuu u baxsado dhinaca Magaalada Burco sida ay wararku sheegayaan.

Ciidan ka tirsan SSC oo ka War helay goobta uu joogo taliyaha ayaa la sheegay iney weerareen ka dibna nolol ku soo qabteen.

Faysal Cabdi Bootaan ayaa ahaa taliyihii ciidanka Somaliland ee joogay taliska Goojacadde oo saaka ay dagaal ku qabsadeen xoogaga SSC.

Sidoo kale, ciidamada Somaliland oo maanta khasaare xoogan uu soo gaaray ayaa waxaa laga qabsaday gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah, taangiyo, madaafiicda goobta, saanad milateri iyo maxaabiis, sidoo kale askar kale ayaa looga dilay dagaalka.

Saldhiga Goojacadde ayaa ahaa fariisinkii ugu weynaa ciidamada Somaliland ee laga abaabulayey dagaalada iyo duqeymaha ka socday Laascaanood bilihii la soo dhaafay, in la qabsadana waxay dharbaaxo xanuun badan ku tahay Maamulka Muuse Biixi oo ilaa hadda aan ka hadlin waxa saaka dhacay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News