SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Galmudug oo kahadlay dib uxoreynta Ceelbuur

|

Galmudug (KAAB TV) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu hambalyeeyay Ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug kadib dib xoreynta Al-Shabaab lagaga xoreeyay degmada qaddiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale.

Sidoo kale, Qoor Qoor ayaa bogaadiyay ciidamadda xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ee soo hooyay guushan taariikhiga ah.

“Xorreynta Ceelbuur iyo deegaannada kale, waxey ka dhigantahay gaaridda Galmudug ka caaggan kooxda Al-Shabaab”.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa sheegay in ey xoogga saari doonaa gaarsiinta adeegyada bulsho oo ay Al-Shabaab ka hortaagneyd dadweynaha muddo dheer.

Maamulka Galmudug waxay si dhaqsa ah u gaarsiin doontaa dadweynaha adeegyada aasaasiga, waxayna ugu baaqeysaa hey’adaha gargaarka, saaxiibbada caalamiga ah in ay gacan ka geystaan adeegyada bulshada.

“Dadweynaha ku nool deegaanada laga eryay Al-Shabaab, waxaan la wadaageynaa farxadda, waxaana ciidanka geesiyada ah ku ammaaneynaa sida ay u dhowreen xuquuqda muwaadiniinta intii ay ku guda jireen howlgalada iyo sida ay neecawda xorriyada ula wadaageen, una soo dhaweeyeen oo ay u muujiyaan wanaagga dowladnimada.

Ugudambeyn, madaxweynaha ayaa ugu baaqayaa dadweynaha iney ka qayb qaataan dhammeystirka halganka dib looga xoroobayo aragagixisada, islamarkaana soo dhaweeyaan ciidamadda geesiyaasha iyo hay’adaha Dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News