SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Laftagareen oo xariga kajaray mashruuc lagu dhisaayo Waddooyin

|

Baydhabo (KAAB TV) – Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dib u dhiska & Guriyeynta Soomaaliya Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa xarigga ka jaray Wajiga 1-aad Dhismaha Wadooyinka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dib u dhiska & Guriyeynta  Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Baydhabo utagay furitaanka mashruucan.

Mashruucan oo lagu dhisayo jidad badan oo ku yaalla magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalgeliyey dhismihiisa bankiga Adduunka sida uu sheegay  Cabdicasiis Laftagareen.

Dhanka kale, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa intaas ku daray in mashruucan uu yahay wejigii koowaad, ayna jiri doonaan dhowr weji oo sidoo kale jidad badan looga hirgelinayo magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in dhismayaasha jidadkan ay kaalin weyn ka qaadan doonaan soo celinta bilicda magaalada, horumarka, ganacsiga iyo sugida amaanka.

Waxaa uu u mahad celiyey bankiga aduunka iyo hay’adaha kale ee gacanta ka geystay dhismaha mashruucan isagoo shacabka magaalada Baydhabo ugu baaqay iney ka shaqeeyaan nabada iyo horumarka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News