SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay Afar Qarax oo saacad gudeheeda kadhacay dalka Sweden

|

Sweden (KAAB TV) – Afar qarax ayaa saacad gudaheed kadhacay magaalooyin ku yaalla dalka Sweden, sida ay booliska sheegeen, ayada oo dalka uu la tacaalayo sare u kaca rabshadaha la xiriira burcadnimada.

Abaare 1:00 am, booliska magaalada Gothenburg ayaa helay warbixino ku saabsan laba qarax oo ka kala dhacay laba guri oo kala duwan, oo ay u dhaxeysay 10 daqiiqo.

Labada goobood waa la xiray, waxaana socda baaritaano ayey booliska yiraahdeen ayaga oo intaas ku daray in khubarada bamka loogu yeeray goobta.

Sidoo kale, Booliska Gothenburg ayaasheegay inaan weli la go’aamin sababta ka dambeysay labada qarax ee ka dhacay magaalada.

“Ma jiraan wax warbixino ah oo ku saabsan dad dhaawacmay, kaliya qalab ay waxyeello gaartay,” ayey yiraahdeen booliska.

Dhanka kale, Saacad kadib, laba qarax oo ay daqiiqado u dhaxeysay ayaa ka kala dhacay magaalada Norsborg ee duleedka koonfureed ee Stockholm iyo magaalada Nykoping, oo 100 km koonfur ka xigta caasimadda.

Labada kiisba, booliska waxay sheegeen in cidna aanay wax ku noqon. Dhammaan afarta qarax ayaa ka dhacay dhismooyin ay shacab degan yihiin.

Sweden ayaa sanadihii dhowaa la tacaaleysay inay xakameyso toogashooyinka iyo bambooyinka, ayada oo burcad uu ka dhaxeyo dagaal ganacsi daroogo ay kala aargudanayaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News