Laascaanood (KAAB TV) – War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC ayaa lagu sheegay tirada maxaabiista ciidamada maamulka Somaliland looga qabtay dagaalladii ka socday magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda.
Sidoo kale, Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in magaalada Laascaanood kusoo arkeen in ka badan 300 oo maxaabiis Somaliland looga qabtay dagaalladii dhacay, waxa ayna xustay hay’adda in maxaabiista ku jiraan kuwa dhaawacyo qaba.
Dhanka kale, Warka kasoo baxay ICRC ayaa lagu sheegay in shalay oo Khamiis aheyd booqashadii ugu horeysay ugu tagtay in ka badan 300 maxaabiis oo laga qabtay Somaliland, waxa ayna ujeedka booqashadooda ku tilmaameen mid la xariirta bini’aadannimo.
”ICRC waxay booqataa maxaabiista labada dhinac ee dirirtu dhexmartay, iyadoo hore u booqatay xabsiga dhexe ee Hargeysa, halkaasoo ay ku jiraan maxaabiis ka soo jeeda SSC Khaatumo. Ujeedada booqashooyinkan ayaa ah mid bini’aadantinimo oo keliya, iyadoo ujeedadu tahay in dhammaan maxaabiista loola dhaqmo si bini’aadantinimo iyo in qoysaskooda ay ogaadaan halka ay ku sugan yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ICRC.
Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in muhiim tahay in maxaabiista lakala heesto loola dhaqmo si bini’aadannimo ku jirto, sidoo kale helaan cunto iyo biyo lagana ilaaliyo in lagula kaco tacadiyo ka dhan ah bini’aadannimada.
“Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac, loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada tani waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo xiran uu heli karo cunto iyo biyo, waana inaan marnaba eysan la kulmin in si xun loola dhaqmo,” ayuu yiri Pascal Cuttat, madaxa wafdiga ICRC ee Soomaaliya.
Hay’adda ICRC oo kaashaneysa hay’adda Bisha Cas isbitaal weyn oo kuyaalla magaalada Garoowe geysay afar maxbuus oo dhaawacyo qaba, kuwaa oo xaaladooda lagula tacaalayo laguna daweenayo isbitaalka caasimadda Puntland kuyaalla.