SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh oo sheegay sababta keenay in dib loo dhigo bixista ATMIS

|

DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya dib ugu dhigtay qorshaha la doonayay in dalka looga saaro ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dib-u-dhigaas ay ugu wacneyd heshiiskii qorshaha bixista ciidamada ATMIS oo aan ka hirgelin dhanka dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo iyo dhanka Midowga Afrika iyo deeqbixiyeyaasha.

Dhanka kale, Waxaa uu intaa ku daray in labo shardi oo ku xirnaa qorshahaas inay ahaayeen:

1- In la kordhiyo awoodda ciidan iyo qalabka ee ATMIS iyada oo la siinayo taangiyo cusub iyo diyaaradaha dagaal ee qumaatiga u kaca

2- In dowladda Soomaaliya ay abuurto ciidan xoogan oo Soomaaliyeed oo hanan kara amniga dalka oo bedella kuwa nabad ilaalinta

Labadaas qodob oo aan hirgelin ayaa ugu wacanaa dib u dhiga bixitaanka ciidamada Midowga Afrika. Laakiin hadda waxaa dalka ka baxay qiyaastii saddex kun oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Atmis. Kunkii ugu horreeyay ee askari ayaa baxay bishii ugu dambeysay ee sanadkii 2021, halka labada kun ee askari ee kale ay ka bexeen Soomaaliya labo bil kahor.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News