MAXAAS (KAAB TV) – Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.
Ciidamo badan oo isugu jira milatari iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu diyaariyay degmada Maxaas iyo duleedkeeda, waxaana ciidankan la sheegay in kaliya sugayaan ammarkii ay ku dhaqaaqi lahaayeen.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud u ah abaabulka dagaal ee socda ayaa laga sugayaa in uu bixiyo ammarka ay ciidankan ku dhaqaaqayaan, si ay u gaaraan deegaanno iyo degmooyin Al-Shabaab gacantooda kujira.
Dhanka kale, Ciidankan ayaana howlgalka ka bilaabi doona dhinaca bariga gobolka Galgaduud , gaar ahaan deegaannada beesha Murusade degto ay ugu horeyso Wabxo, waxa ayna ciidankan usii dhaqaaqi doonaan degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoostaga.
Xasan Sheekh ayaana wada latashiyadii ugu dambeeyay ee howlgalka lagu wajihi lahaa, waxa uuna madaxweynaha saraakiil ciidan kala tashanayaa istaraatiijiyada dagaalka mar kale lagu wajihi doono.