SO | EN

SO | EN

Gudddiyo looxil saaray xaalada adag ee kajirta Xabsiga dhexe

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddiga Gaarka ah ee golaha shacabku u xilsaaray Arimaha Xabsiga dhexe ee Xamar iyo dhibaatada ka jirta ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Wasaaradaha Caafimaadka iyo waxbarashada.

Sidoo kale, guddiga ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare kala hadlay Arrimaha Waxbarashada xabsiga dhaxe ee Xamar Wasiiru-dowlaha Wasaaradda.

Waxay warbixin dheeraad ah  ka bixisay xaalada Waxbarasho ee Xabsiga dhexe  waxyaabaha kaga qorsheysan iyo  ku-talagalkooda.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha ayaa  sheegtay in ay ku tala jiraan inay macalimiin Wiilal iyo gabdho ah ay u diri doonaan xabsiga Buugaag  Waxbarasho oo heerar kala duwan ahna ay ugeyn doonaan dhawaan.

Guddiga ayaa ku booriyay Wasaaradda inay kormeer ku soo sameeyaan Xabsiga baahida waxbarasho ee halkaasi ka jirta  warbixina ku soo celiyaan Guddiga seddex isbuuc ka dib.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimàadka ayaa si qota dheer ugu warbixisay xaalada caafimaad ee Maxaabiista xabsiga dhaxe ee xamar ku jira ayna la socdaan xaalaadaha caafimaad ee maxaabiista halkaasi ku xiran.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa umahad celiyay. wasaaradaha waxabarshada iyo Wasaarada iyo Tacliinta sare XFS Caafimàadka iyo Daryeelka Bulshadda XFS aygoona sheegay in xaaladaha ku hor gudban labada Wasaaraddood ee ku aadan xabsiga dhaxe ee xamar ay kala shaqeyn doonaan wasaaradahana ay booqdaan xabsiga dhaxe ee xamar.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News