Afgambi ka dhacay Bolivia iyo madaxweynaha dalkaasi oo xabsiga loo taxaabay

|

Bolivia (KAAB TV) – Madaxweynaha Bolivia, Luis Arce ayaa lagu soo warramayaa in ay xabsiga u taxaabeen cutubyo ka tirsan ciidanka Bolivia kuwaasoo galay xarunta Madaxtooyadda ee caasimadda La Paz.

Sidoo kale, Askarta ayaa jabiyay albaabka weyn ee laga soo galo guriga Madaxweynaha dalkaas Luis Arce.

Afgambigii Milatari ee ka dhacay caasimadda Dalka Bolivia ee La Paz, ayaa lagu soo warramayaa in uu hoggaaminayo General Juan José Zúñiga, kaasoo uu shalay shaqada uu ka cayriyay madaxweynaha, ka ddib markii uu hadal aflagaado ah oo ka dhan ah Madaxweynaha uu sarkaalkan ku daabacay wargeys maxalli ah.

Dhanka kale, Ururka qaaradda Ameerika, oo ka kooban ku dhawaad ​​waddan kasta oo ku yaal Waqooyiga, Koonfurta, iyo Bartamaha Ameerika ayaa cambaareeyay afgambigii milatari ee ka socday Bolivia ee ka dhanka ahaa Madaxweyne,Luis Arce.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News