Muqdisho (KAAB) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe ayaa Axmed Siciid Maxamed u magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Axmed Siciid Maxamed kasoo jeeda beesha Ceyr, si la mid ah labadii agaasime ee ugu dambeeyey ee soo maamulay heyadda socdaalka.
Agaasimihii hore ee Hey’adda C/qaadir Cilmi Cali Cabdul ayaa dhowaan ka mid noqday 18 xubnood oo Xeer ilaalinta qaranku ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.
Cabdul ayaa War saxaafadeed uu soo saaray isku casilay, isagoo dalka ka maqan wuxuuna xusay inuusan sameyn nin wax qalad ah, eedeynta loo jeediyeyna ay tahay dano gaar ah laga leeyahay.
Xubnaha 18-ka ah ee kiiska musuq-maasuqa lagu soo oogay ayaa waxaa sidoo kale ku jira Maxamed Aadan Koofi, oo isna horey usoo noqday agaasimaha hay’adda ee ka horreeyey Cabdul, kaasi oo isna sidoo kale iska fogeeyey eedaha loo jeediyey kuna macneeyey kuwo dano kale laga leeyahay.

