MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka markale lagu arkay xaafado ka tirsan daafaha magaalada Baydhabo ka dib markii ay habeenkii Sabtida ay weerar ku soo qaadeen magaalada, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Kaab TV.
Maleeshiyaadka ayaa saaka waaberigii xilligii Salaadda Subax soo galay xaafada Bukriyey ee bariga magaalada Baydhabo halkaas oo ay dadka ku soo tukaday masaajidda ay sheegeen inay arkeen iyagoo waddooyinka socda, qaarkoodna ay masaajidka dadka kula hadleen.
Dadka xaafadda ayaa Kaab TV u sheegay in habeenkii Sabtida ay Shabaab weerar ku soo galeen magaalada, ayna habeenkii oo dhan maqalayeen rasaas culus oo ka dheceysay xaafadaha bariga magaalada.
Maleeshiyada Shabaab ayaa la sheegay in illaa iyo waaberigii Axadda ay ku sugnaayeen xaafadaha bariga sida xaafadda Suuqa Xoolaha oo uu ku yaallo suuqa xoolaga lagu kala iibsado iyo xaafadda Bukriyey.
Oday deegaanka oo ka gaabsaday magaciisa ayaa Kaab TV u sheegay in horjoogayaasha Shabaab ay masaajidka ka istaageen salaaddii subac ayna dadka u khudbeeyeen ka hor intii aysan dib uga bixin magaalada.
Dhanka kale, labo xero oo ciidankii Koonfur Galbeed ay ka guureen ee aagga Burjeed oo duleedka magaalada Baydhabo ayay sidoo kale maleeshiyaadka Al-Shabaab soo galeen.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa noo xaqiijiyay in xeradan ay Shabaab yimaadeen ka dib markii ciidanka Koonfur Galbeed ay isaga guureen ka dib markiio ciidamo huwan ah oo isugu jira maleeshiyaad beeleed iyo kuwa Dowladda Federaalka oo kasoo duulay Muqdisho ay qabsadeen Baydhabo.
Hase ahaatee kooxda Al-Shabaab ay sheegatay in dagaal ay la galeen ciidan ku sugnaa xerooyinka ay weerareen ay kaga dileen labo askari.
Waxaa jirtay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Turkida oo saaka waaberigii lagu beegsaday Shabaabka soo weerarar xeryaha ciidamada ee Shabaab soo weerareen. Lamana oga haddii uu jiro khasaare ka dhashay duqeymaha oo ahaa kuwo xooggan oo laga maqlay gudaha magaalada Baydhabo.
Dhanka kale, waxaa maanta markale lagu weeraray garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo, halkaas uu gaaray Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka NISA Mahad Salaad iyo Guddoomiyaha Guddiga lagu mransan yahay ee doorashada ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horey u magacaabay.
Tiro labo hoobiye ah ayaa la sheegay inay ku dheceen meel u dhow garoonka Shaati Gaduud, lamana sheegin cid wax ku noqotay.
Waa weerarkii labaad oo hoobiyaal lagula beegsado garoonka Baydhabo toddobaad guduhiis iyada oo magaalada ay joogaan masuuliyiinta Dowladda Federaalka oo uu ugu horreeyo Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo isku dayaya inuu magaalada ka sameeyo doorasho deg deg ah xilli ay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ay dalbanayaan dib u heshiisiin in marka hore ay qabsadaan.

