Muqdisho (KAAB TV) – Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku soo qabteen askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo lagu eedeeyay inuu qorigiisa ku argagax gelinaayay dadka wadada marayey.
Xarigga ayaa yimid kadib markii baraha bulshada lagu soo bandhigay muuqaal muujinaya sarkaalka oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Warsame oo qori farta ku fiiqaya una hanjabaya dad wadada marayay. Warsame waxa uu ku andacooday in uu kaftamayay oo uu iska duubayay.
Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay in askarigaasi la horgeyn doono maxkamad awood u leh si uu u wajaho dacwad.
Dhacdadan ayaa ka dambeysay kadib markii labo maalmood ka hor askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay nin gacan ku shaqeysta ahaa oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Cali Maxamed.
Askariga ayaa la sheegay inuu Maxamed u toogtay muran ku saabsan lacag ka yar $0.25 oo u dhiganta 3,000 oo shilinka Soomaaliga ah. Marxuumka la dilay oo afar caruur ah dhalay ayaa la dilay ka dib markii ay murmeen askariga, kadibna uu goobta ka baxsaday.

