Muqdisho (KAAB TV) – Guddiga Agaasimayaasha Sare ee Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay lacag aad u badan oo dhan $125 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay maalgelinta siyaasadda horumarinta dhaqaalaha (DPF) ee Soomaaliya taasoo calaamad u ah dib u habeynta dhaqaalaha iyo dadaallada horumarineed ee qaranka Go’aankan oo lagu dhawaaqay ayaa looga golleeyahay in lagu taageero mudnaanaha dhaqaalaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan kobcinta dakhliga gudaha, maamulka maaliyadda dawladda, iyo kobaca ganacsiga gaarka ah.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, @BihiEgeh, ayaa sheegay in uu aad uga mahadcelinayo kaalmada waqtigeeda ku soo beegantay, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay qorshaha horumarinta dalka. “Waxaan u mahadcelineynaa Guddiga Agaasimayaasha Fulinta ee Bangiga Adduunka oo maanta ansixiyay deeqdan maalgelinta Siyaasadda Horumarinta ee $125 milyan ee USD. Kaalmadan lacageed waa mid ku soo beegantay waqtigii loogu talo galay, waxaanay gacan ka geysan doontaa horumarinta dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kobcinta dakhliga gudaha, xoojinta maamulka maaliyadda dawladda, horumarinta deymaha, iyo taageeridda horumarinta ganacsiga gaarka ah,” ayuu Biixi ku soo qoray akoonkiisa rasmiga ah ee X.
Deeqdan, oo ay bixisay Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA) ayaa calaamad u ah hirgelinta caymiska tusmada abaaraha ee 180,000 ee xoolo-dhaqatada ah ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan 90,000 oo haween ah Dadaalkan ayaa ujeedadiisu tahay in la siiyo taageero muhiim ah kuwa ay sida aadka ah u saameeyeen isbeddelka cimiladu, gaar ahaan qaybaha cimiladu u nugul yihiin sida beeraha, kalluumeysiga, iyo ganacsiyada yaryar.
Maalgelintu waa tii ugu horreysay ee taxane ah oo laba hawlgal oo barnaamij ah oo loogu talagalay in lagu kordhiyo dakhliga, hagaajinta maareynta deynta, iyo kor u qaadista la xisaabtanka kharashaadka dadweynaha. Intaa waxa dheer, barnaamijku waxa uu fududayn doonaa helida maalgelinta yar yar ee kooxaha dakhligoodu hooseeyo iyo kor u qaadida maalgashiga-xariifnimada leh ee cimilada, oo ay ku jirto balaadhinta helitaanka koronto cagaaran oo jaban iyo taageeridda horumarinta kalluumaysiga.
IDA oo la aasaasay 1960-kii IDA waxay ka caawisaa dalalka ugu saboolsan adduunka deeqo iyo deyn dulsaar hoose ilaa eber, iyada oo diiradda saareysa mashaariicda kobcinta dhaqaalaha yareynta saboolnimada iyo hagaajinta nolosha Deeqdan cusub ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka ciyaarto maalgelinta adeegyada bulshada ee muhiimka ah iyo sidii horumar waara loogu gaari lahaa Soomaaliya.

