Liibiya (Kaab TV) – Ciidamada ammaanka Liibiya ayaa xiray in ka badan 300 oo ruux oo Soomaali ah oo Dalkaas u tagay in ay kasii tahriibaan si ay u gaaraan Qaaradda Yurub oo hamigooda ah balse halis badan ay ku horgudban tahay sida Badda waynta Mediterranean oo dad badan horay ugu dhinteen.
Hay’adaha ammaanka Liibiya oo helay macluumaad la xiriira Dadkaan Soomaalida ah oo u badan Dhallinyaro waxa ay billaabeen howlgallo ballaaran oo ay kusoo qabanayaan si ay uga hortagaan in ay naftooda ku biimeeyaan bad weyntaas.
Howlgalka Xooggiisa waxa uu ka dhacay Magaalada Tripoli ee Caasimadda Liibiya, Ciidanka ayaa howshaan u kaashaday Dadka Deegaanka maadaama ay aqoon u leeyihiin goobaha inta badan lagu hayo Dadkaas ee lacagaha looga qaato.
Waxaa intaas dheer dad laga qabtay Waddooyinka iyo kuwo kale oo lagala degay Gawaarida Safarka, waxaana lagu dhaqaaqay in la hubiyo dukumiintiyadeeda iyada oo markii la ogaaday in ay yihiin ajaanib tahriib u tagtay Dalkaasi la geeyay goobaha la isugu geynayo Dadkaan.
Liibiya waxa ay kamid tahay Dowlado ka shaqaynaya sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka ku dhammaanaya Badda Mediterranean kuwaas oo kordhay bihii u dambeeyay, Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda IOM ayaa ka digtay qulqulka tahriibayaasha u dhashay Afrika.

