MUQDISHO (Kaab TV) -Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ee Dowlad-Goboleedka Puntland iyo kuwa Daacish ayaa ku dagaalamay Buuraha Calmiskaad, waxaana ka dhashay khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Dagaalka waxa uu yimid kaddib markii xubno katirsan Daacish ay weerareen saldhig ciidamada Puntland ay ku sugnaayeen, waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo ka dhacay goobtaas sida ay sheegeen ilaha xogtaan laga helay.
Askar dhaawac kasoo gaaray ayaa loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Ciidamada Dowlad-Goboleedka Puntland lagu daweynayo, tiradooda lama shaacin sidoo kale ma jiro war kasoo baxay Dowlad-Goboleedkaas.
Bishaan May oo gabagabo ah waxa ay Kooxda Daacish dhowr jeer weerartay saldhigyada Ciidamada kasoo horjeeda ee Dowlad-Goboleedka Puntland, tiro dhan 5 jeer ayay iska hor imaadkaan dhaceen, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

