Ciidamada Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose

|

Kismaayo(Kaab TV) -Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka, oo kaashanaya ciidamada amniga Jubbaland, ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Baqdaad oo u dhow degmada Badhadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda, howlgalka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo dowladda ay sheegtay in lagu dilay laba sarkaal oo sare iyo 14 dagaalyahan oo kale.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen laba xubnood oo ka tirsan hoggaanka Al-Shabaab, kuwaas oo nolol lagu qabtay intii uu socday howlgalka.

“Howlgalka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana lagu dilay laba ka mid ah saraakiisha sare ee kooxda iyo 14 dagaalyahan oo kale. Sidoo kale, ciidamada ayaa nolol ku qabtay laba hoggaamiye oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo qalab ciidan oo ay Al-Shabaab u adeegsan jireen fulinta weerarro iyo cabsi gelinta shacabka.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn sheegtay in howlgaladu ay sii socon doonaan si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab loona xaqiijiyo amniga deegaannada ay weli ka joogaan.

Ciidamada Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, kuna dilay saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News