Galgaduud (KAAB TV) –Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo istiraatiiji ah ka bilaabay gobolka Galgaduud, kaasi oo looga hortagayo weeraro kaga yimaada dhanka maleeshiyada Al-Shabaab (‘AS’). Howlgalka oo uu horkacayay guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib ayaa si gaar ah waxa ay uga sameeyeen deegaano u dhaxeeya Bood iyo Budbud oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.
Gaashaanle Dhexe C/raxmaan Salaad Xujaale, Taliyaha Ururka 26-aad, ayaa hawlgalkaasi ku tilmaamay mid *ka-hortag ah, oo loogu talla-galay in lagu fashiliyo duulaan kasta oo Shabaabku ka geystaan Gobolkaasi. Wuxuu u mahad celiyay ciidamada howlgalka ka qeyb qaatay, isagoo ku nuux-nuux saday in ay si wanaagsan u diyaar garoobeen, islamarkaana ay si wanaagsan u fuliyeen.
“Howlgalkan waxaan u sameynay si aan uga hortagno Al-Shabaab in ay weeraro abaabulan ka geystaan dhulkan nugul,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Xujaale oo warbixin siinayay. “Ciidankeenu waxay lahaayeen sirdoon sax ah waxayna awoodeen inay gaaraan ujeedooyinkeena. Waxaa naga go’an inaan sii wadno howlgallada noocan oo kale ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.” Ayaa lagu yiri ilo-wareedyo ciidan.
Habka fir-fircoon ee Ciidanka Federaalka ayaa hoosta ka xariiqay dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka Galgaduud, oo ah gobolka ay ka dhaceen dhaqdhaqaaqyo nabad-diidka ah. Hawlgalku waxa uu ka tarjumayaa istaraatiijiyad ballaadhan oo ay dawladda Soomaaliya ku doonayso inay ku wiiqdo awoodda hawl-gal ee Al-Shabaab, loogana ilaaliyo bulshada deegaanka rabshadaha iyo xasilooni-darrada.

