Ciidamada Kenya oo fashiliyey isku day Al-Shabaab ay ku geli lahaayeen xadka Mandera

|

Mandera(Kaab TV) -Ciidamada gaarka ah ee Kenya (SOG) ayaa fashiliyey isku day ay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ku doonayeen inay kaga soo gudbaan xadka Kenya ee gobolka Mandera, kaddib howlgal qorsheysan oo lagu qaaday markii ay heleen xog sirdoon.

Sida ay sheegtay laanta la dagaallanka argagixisada ee Kenya, ciidamada ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kooxda, xilli ay socdeen dabaaldegyada Ciidda, iyadoo la adeegsanayay xog laga helay diyaarado dusha sare ka kormeera Xaalada, waxaana looga hortagay duleedka deegaanka Sarira ee Mandera.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labo ka mid ah dagaalyahannada la dilay, afar kalena ay si daran u dhaawacmeen, halka inta kale ay dib ugu soo carareen gudaha Soomaaliya kaddib rasaas culus oo lagu furay.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay dib u furto xadka Mandera bisha Abriil.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa hore u sheegay in xirnaanshaha muddada dheer ee xadka uu saameyn ku yeeshay qoysaska iyo ganacsiga, isla markaana aysan habboonayn in shacabka Mandera laga go’doomiyo eheladooda iyo ganacsigooda Soomaaliya.

Ruto ayaa sidoo kale ballan qaaday in la xoojin doono ammaanka, iyadoo la laba jibaarayo tirada ciidamada la geenayo halkaasi si loo ilaaliyo shacabka iyo ganacsatada.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo madaxda deegaanka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay bixiyaan xog kasta oo ka hortagi karta khataraha amni.

Xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa la xiray sanadkii 2011, kaddib weerarro isdaba joog ah oo ay Al-Shabaab ka geysaneysay gudaha Kenya, iyadoo dadaallo hore oo dib loogu furayay aysan hirgelin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News