Ciidamo badan oo lagu daadiyay Xaafadaha Baydhabo & Lafgareen oo doorasho qabsanaya

|

Baydhab(Kaab TV) -Xaafadaha Magaalada Baydhabo waxaa lagu daadiyay Ciidamo aad u hubaysan oo intooda badan jirkooda qarsaday kuwaas oo xadiday dhaqdhaqaaqa goobaha ee Magaaladaas sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo ku duwan Magaaladaas.

Dadka Magaalada Baydhabo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sidoo kale inoo sheegay in dhowrkii tallaab lagu arkayo ciidamadaan oo wata Gaadiid Dagaal, waxa ay jareen qaybo kamid ah Waddooyinka dhexmara Xaafadaha Magaaladaas.

Ujeedka Ciidankaan si dhab ah looma sheegin balse waxaa jira warar kala duwan oo arrintaas la xiriira sida in saacadaha soo socda uu doorasho qabsanayo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Waxaa kale oo jira xogo kale oo sheegaya in uu culays dhinaca amniga ah uu dareemayo maamulka Cabdicasiis Laftagareen sidaas awgeedna loo daadiyay ciidamadaan si ay u xoojiyaan nabadgalyada xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo.

Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa ka socda duleedka Magaalada Baydhabo waxaana wada mucaaradka Laftagareen, dadka deegaanka ayaa sheegay in saansaanta ciidan ay cabsi ku beertay maadaama suuragal ay tahay in waqti weliba ay dagaalami karaan dhinacyadaan iska soo horjeeda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News