Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo milatari oo culus ka wada waddada isku xirta deegaannada Leego iyo Buurhakaba ee gobolka Baay, iyadoo ciidamada ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo lagu doonayo in lagu furo waddadaasi, laguna burburiyo fariisimaha Al-Shabaab.
Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay guulo ka gaareen howlgallada socda, isla markaana ay burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada ku teedsan waddada Leego iyo Buurhakaba.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Soomaaliya ee lagu doonayo in dib loogu furo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Baay, laguna xaqiijiyo amniga deegaannada ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyada milatari.
Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha ciidamada uu yahay sidii dhawaan loo gaari lahaa magaalada Buurhakaba, oo muddooyinkii dambe ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar-garow la xiriira xaaladda amni.
Gulufka ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro degmada Buurhakaba iyo deegaannada kale ee gobolka Baay, iyadoo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu abaabul iyo kulamo amni ka wado magaalada Baydhabo.
Howlgallada ka socda gobolka Baay ayaa kusoo aadaya iyadoo waddooyinka iyo deegaannada gobolka ay muddooyinkii dambe ka jireen dagaallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la xiriira isku dayada lagu ballaarinayo awoodda dowladda iyo sugidda amniga gobolka.

