Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa min 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay laba eedaysane oo lagu kala magacaabo Ismaaciil Daa’uud Xaaji, oo loo yaqaan (Goomey), iyo Cabdirisaaq Mustaf Cali, oo loo yaqaan (Cabdi Dameeray), kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxaha argagixisada, kana qayb qaateen dagaallo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed.
Labada nin ayaa xukunka lagu riday kaddib markii ay maxkamaddu dhammaystirtay dhageysiga dacwadda loo haystay, taas oo soo martay marxalado kala duwan. Fadhigii ugu dambeeyay ee maanta ayay garsoorayaashu ku soo gabagabeeyeen kiiska, iyagoo ku dhawaaqay xukunka min 15-ka sano ah ee xabsiga.
Dacwadda waxaa soo oogay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, kaas oo labada eedaysane ku soo oogay dambiyo la xiriira ka mid ahaanshaha kooxaha argagixisada iyo ka qaybqaadashada dagaallo lagu waxyeellaynayay shacabka Soomaaliyeed.
Fadhiga ugu dambeeyay ee maxkamadda waxaa guddoominayay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland iyo ku-xigeennadiisa, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa xeer-ilaalinta ciidamada, qareenka difaacayay labada eedaysane iyo xubno ka tirsan eheladooda.
Maxkamaddu waxay sheegtay in xukunka ay ridday uu yahay mid digniin iyo tusaale u noqonaya cid kasta oo ku lug leh falalka lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.
Xukunka ayaa kusoo beegmaya iyadoo hay’adaha amniga iyo garsoorka Jubbaland ay sii wadaan tallaabooyinka sharci ee ka dhanka ah dadka lagu eedeeyo inay ku lug leeyihiin falalka amni-darrada iyo dagaallada ka dhanka ah bulshada.

