Ciidanka Danab oo Howlgalo ka sameeyay deegaanka Budbud

|

Galgaduud (KAAB) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgalo kasameeyay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay kooxda Al-Shabaab fariisamo kulahaayeen.

Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa warbaahinta  u sheegay in howlgal ka fuliyeen deegaanka Budbud , ayna halkaasi ku bur buriyeen fariisimihii Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha intii ay hawlgalka wadeen ciidamada Danab in ay ku bur buriyeen goobo ay ku kaydsanaan sunta iyo alaadaha kale ee ay Al Shabaab ka sameeyan walxaha qarxa iyo goobo kale oo keyd hub u ahaa.

Deegaanka Budbud oo bilooyin kahor ciidanka dowladda qabsadeen ayaa dib ugu laabtay gacanta Al Shabaab , kaddib weerar xooggan oo Al-Shabaab ku qaadeen xeryo deegaankaasi ku lahaayeen ciidanka dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News