Cismaan Barre”Dib usoo noqoshada Farmaajo waxa ay caqabad weyn kutahay guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan”

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa waxa uu weerar dhanka afka ah uu kuqaaday madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoon baarlamaanka labadiise gole kadal baday in xasaanada lagala noqdo Farmaajo.

Sidoo kale, Waxa uu intaasi kudaray Cismaan Barre in Farmaajo uu dalkan uu horey uga geystay dambiyo waa weyn.

“Muddadii shanta sano aheyd ee uu dalkan hoggaaminaayay Farmaajo waxa uu katagay dhibaatooyin waa weyn oo ilaa haatan heysta dalkan”.

“Dib usoo noqoshada Farmaajo waxa ay caqabad weyn kutahay guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxaan rabaa inaan ka codsado baarlamaanka Soomaaliyeed in ay ka qaadaan xasaanadda, si loogu maxkamadeeyo dilalkii Ikraan Tahaliil, Eng Yariisoow, Xildhibaan Aamino iyo weeraradii madaxweynayaashii hore”.

Ugu dambeyn, waxa uu baaq udiray hay’addaha ammniga ee dowladda, isagoona faray in ay lasocdaan dhaq-dhaqaaqiisa ayna xadidaan muddada uu joogo dalka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News