MUQDISHO (KAAB TV) – U dhaqdhaqaayaasha xuquuqda dadka naafada ayaa toddobaadkan magaalada Muqdisho ku qabatay tababar sare loogu qaadayo awoodda hoggaaminta iyo u qareemista dadka naafada ah kaas oo la isugu keenay culimada diinta, odayaasha dhaqanka iyo dadka naafada u hadla.
Guddoomiyaha Dalladda xoojinta naafada Soomaaliyeed (SODEN) Maxamed Cabdisalaan Diiriye, oo ay hay’adiisu qabatay tababarka, ayaa sheegay in ujeedada tababarku yahay in culimada iyo dadka u hadka dhowrista xuquuqda naafada ay si fiican u fahmaan sidii ay sawir fiican uga bixin lahaayeen marka ay u qareemayaan xuquuqda dadka naafada ah.
“Tani waxay qeyb ka tahay in la awoodeeyo xirfadda iyo habka hoggaaminta matalayaasha u hadla hormarinta xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Maxamed Cabdisalaan Diiriye.
Ma jirto tiro guud oo laga hayo inta ay la eg yihiin dadka naafada ah ee gudaha dalka ku nool. Daraasad ay wadajir u sameeyeen Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay sannadkii 2020 ayaa tilmaameysa in 5% dadka Soomaaliya ku nool ay la nool yihiin nooc naafanimo ah.
Dadka naafada ah ee guud ahaan Soomaaliya waxaa la isku raacsan yahay inay yihiin kuwo si gaar ah loo takooro oo khatar ugu jira bulshada dhexdeeda, iyadoo sababtu tahay caqabado badan oo ka yimid xagga hab-dhaqanka iyo wacyiga bulshada bulshada, deegaanka, iyo faquuqa oo ay la kulmaan. Waxaana maqan dadaallada caqabadahan wax looga qabanaayo.
Waana taas sababta hadda muhiimka ka dhigeysa doorka culimada iyo odayaasha dhaqanka oo ka mid ah hoggaanka bulshada.
Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah odayaasha ayaa sheegay ayaa sheegay in loo baahan yahay in kor loo qaado codka dadka naafada ah oo iyaga laf ahaantooda ay sheegaan arrimahooda si ay u helaan xuquuq la siman tan dadka kale.
Waxaa sidaas oo kale qwaba Sheekh Cabdul Xayi oo ka mid ah culimada, una baaqay bulshada in qof walba uu ka qaato kaalintiisa kaga aadan sidii garab istaag buuxa loogu muujin lahaa dadka naafada ah si sare loogu qaado xuquuqdooda.
“Diinta Islaamka waxay guusha bulshada sabab uga dhigtay hadba sida loo xannaaneeyo dadka baahida gaarka qaba ee bulshada ka mid ah,” ayuu yiri Sheekh Cabdul Xayi.
Sheekha ayaa tusaale u soo qaatay in dhismayaasha – xataa masaajidda – aysan u diyaarsaneyn meel ay kasoo gali karaan dadka ku socda baaskiilka naafada, taasoo u baahan in dib loogu noqdo.
Caqabadaha so laa laabta ee ay la kulmaan dadka naafada waa kuwo ballaaran oo aan ku koobneyn helidda adeegyada iyo fursadaha, ee waxaa sidoo kale jira dhaqan bulsho oo u arka dadka naafada kuwo ka hooseeya dadka kale.
Wacyigelinta iyo tababarrada noocan oo kale, sida uu sheegay Maxamed Cabdisalaann oo isaga laftiisa ah qof aragga la’, ayaa muhiim ka dhigaya in la joogteeyo.