Dhuusamareeb(Kaab TV) -Warar dhiillo leh ayaa ka Taagan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan qaabka loo wajahayo doorashada Galmudug.
Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud uu go’aan ku gaaray in musharraxa ay dowladda Federaalka taageereyso uu noqdo Liibaan Axmed Xasan, si loogu diyaariyo xilka Madaxweynaha Galmudug.
Go’aankan ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Galmudug, iyadoo dhinacyo badan ay walaac ka muujinayaan faragelin lagu sameeyo hannaanka doorashada Galmudug.
Dhanka kale, Madaxweynaha hadda talada haya ee Galmudug, Ahmed Abdi Karie, ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, taas oo muujinaysa cabsi laga qabo in xaaladdu isu beddesho mid amni.
Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo laga soo qaaday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa si gaar ah loogu daad-gureeyay Dhuusamareeb, waxaana la rumeysan yahay in ujeedkoodu yahay in cadaadis siyaasadeed iyo mid amni lagu saaro Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kadib khilaaf soo kala dhex galay Villa Soomaaliya iyo hoggaanka Galmudug.
Dhaq-dhaqaaqa ciidamada ayaa si weyn walaac uga abuuray gudaha Galmudug, gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, oo laga dareemayay abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo aan caadi ahayn.
Ciidamo la sheegay inay taageersan yihiin Madaxweyne Qoorqoor ayaa gudaha Cadaado isku abaabulay, kuwaas oo doonayay inay hakad geliyaan socdaalka ciidamada kasoo baxay Xarardheere. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in xaaladdu gaartay heer isku dhac laga cabsi qabo, balse ugu dambeyn ciidamada dowladda ayaa si buuxda u gaaray magaalada Dhuusamareeb iyadoo aan wax dagaal ah dhicin.
Wararka qaar ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada la geeyay Dhuusamareeb ay qeyb ka yihiin qorshe amni oo dowladda dhexe ku dooneyso inay ku xaqiijiso saameynteeda gudaha Galmudug, xilli uu kor uu sii kacayo muranka siyaasadeed ee la xiriira maamulka, doorashooyinka iyo awood qeybsiga.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa laga dareemayaa xiisad iyo feejignaan amni oo sareysa, iyadoo ciidamada cusub la dejiyay fariisimo muhiim ah oo ku yaalla gudaha magaalada iyo hareeraheeda.
Illaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Galmudug oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqan ciidan, balse xaaladda ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama laga cabsi qabo in khilaafka siyaasadeed isu beddelo loollan amni iyo mid ciidan.

