Cutubka ugu horreeya ee Ciidanka Masar ee ku biiraya AUSSOM oo Soomaaliya kusoo wajahan

|

Qaahira (Kaab TV) -Cutubkii ugu horreeyay ee Ciidanka Masar ee qaybta ka noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa kusoo wajahan Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan oo si dhow uga warqaba howshaan lagu soo daabulayo ciidamadaan.

Masar ayaa Soomaaliya usoo diraysa ciidan gaaraya 1,410 askari kuwaas oo wata gaadiid ka duwan kuwa ay ku howlgallaan ciidamada kale ee wadaagaan magaca howlgalkaan AUSSOM ee Soomaaliya ka socda sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Xukuumadda Qaahira ayaa horay usoo bandhigtay gaadiid gaashaamaan iyo ciidamo leh xirfad sare kuwaas oo bilooyin kahor lagu soo bandhigay dalkooda inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta tan iyo xiligaas aan loosoo qaadin.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in ay soo billaabato shaqada daabulista ciidamada Masar, Gaadiidkooda iyo qalabkooda, waxaana loo diyaariyay goobaha ay ku howlgalayaan oo horay ay u qiimeeyeen khubarro ka socda dalkaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News