Ceerigaabo (Kaab TV) -Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeroyooday dagaal u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah oo ku dagaallamay deegaanka Dooxada Laashimo ee hoostaga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Dagaalka oo billowday shalay ayaa salka ku hayay muran la xiriira dhul daaqsimeed, waxaana uu sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo iska horimaadku socday in ka badan 24 saacadood.
Ilaa iyo hadda ma jirin cid si rasmi ah u kala dhex gashay labada maleeshiyo beeleed ee kasoo wada jeeda beesha Warsangali, kuwaas oo horey marar kala duwan ugu dagaallamay gobolka Sanaag.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku si iskiis ah u joogsaday subaxnimadii maanta, iyadoo ay hadda socdaan dadaallo nabadeed oo ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka Puntland. Qaar kamid ah waxgaradkaasi ayaa kusii jeeda goobihii lagu dagaallamay si ay u xoojiyaan waanwaanta.
Dadka ku dhintay dagaalka, oo badankoodu ahaa dhinacyadii dagaallamay, ayaa maanta lagu aasay xabaalo wadareedyo laga sameeyay deegaanka ay colaaddi ka dhacday.
Sidoo kale, in ka badan 30 qof oo ku dhaawacmay dagaalka ayaa loo qaaday magaalada Ceerigaabo si loogu daweeyo xarumaha caafimaadka.
Waqooyi Beri, Puntland iyo Somaliland, oo wada sheegta deegaannada lagu dagaallamay, ayaan illaa hadda ku guuleysan inay si toos ah u kala dhex galaan labada maleeshiyo beeleed ee dirirtu dhexmartay.

