Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka, ayaa xalay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaanka Leego iyo deegaanno kale oo hoos yimaada gobolka Baay, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen fariisimo ay isticmaali jireen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Duqeynta ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay keydinta hubka, agabka qaraxyada iyo diyaarinta weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo shacabka rayidka ah.
Warbixinta howlgalka ayaa sheegtay in goobaha la duqeeyay ay ku jireen qaraxyo ay Al-Shabaab qorsheynayeen inay ku aasaan waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka iyo dadka rayidka ah, iyo sidoo kale miinooyin horay loo dhigay.
Gaar ahaan, qaraxyadaasi ayaa la sheegay in loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo dadka isticmaala waddada isku xirta gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay, taas oo muhiim u ah isu-socodka gaadiidka, ganacsiga iyo isku xirka deegaannada labada gobol.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah iskaashiga milateri ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka, kaas oo si gaar ah diiradda u saaraya la dagaallanka Al-Shabaab iyo burburinta xarumaha ay kooxda u isticmaasho abaabulka weerarrada.
Ciidanka Danab ayaa door muhiim ah ka qaata howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya taageerada dhinaca cirka, sirdoonka iyo tababarka ee saaxiibada Mareykanka.
Deegaanka Leego iyo deegaannada ku dhow ayaa muhiimad amni u leh isku socodka gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose, waxaana waddooyinka halkaasi mara ay muddooyinkii hore la kulmeen khataro la xiriira qaraxyo iyo weerarro ay geystaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Duqeyntan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada dowladda Federaalka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay sii wadaan howlgallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga waddooyinka iyo deegaannada muhiimka u ah isu-socodka shacabka.
Ilaa hadda lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta, tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan agabkii lagu burburiyay goobaha la bartilmaameedsaday.

