Beledweyne oo weli wajahaysa xiisad amni, dadaallo lagu raadinayo xalna socdaan

|

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa weli wajahaysa xiisad amni, kaddib iska horimaadyo hubeysan oo maalmihii la soo dhaafay dhexmaray ciidamo ka tirsan Macawiisleyda iyo ciidamo la xiriira maamulka HirShabeelle.

Xiisadda ayaa sii xoogaysatay habeenkii Arbacada, kaddib markii israsaaseyn ay ka dhacday agagaarka guriga Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle, Cabdifaatax Xasan Afrax. Wararka laga helay magaalada ayaa sheegay in iska horimaadkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

xiisaddu waxay gaartay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, halkaas oo ay isku horfadhiyeen Ciidamo ka tirsan Macawiisleyda iyo ciidamo kale oo ay ku jiraan kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka taageerada amniga Soomaaliya.

Wararka ayaa tilmaamaya in khilaafku la xiriiray dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo diidmo laga muujiyay in ciidamo dheeraad ah la geeyo magaalada, iyadoo dhinacyada ay weli isku khilaafsan yihiin arrimo amni iyo kuwo siyaasadeed.

Xiisadda Beledweyne ayaa salka ku haysa tabashooyin muddo soo jiray oo la xiriira maamulka HirShabeelle, matalaadda gobolka Hiiraan iyo awood-qaybsiga siyaasadeed. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo hoggaanka deegaanka ayaa qaba in gobolka Hiiraan uusan helin matalaad ku filan maamulka HirShabeelle.

Xaaladda ayaa dhalisay walaac laga qabo in iska horimaadyo kale ay dhacaan, gaar ahaan haddii aan si degdeg ah loo helin hannaan ay dhinacyadu ku wada hadlaan.

Dadka deegaanka iyo waxgaradka ayaa ku baaqaya in dowladda Federaalka, maamulka HirShabeelle iyo hoggaanka Macawiisleyda ay bilaabaan wadahadal lagu dejinayo xiisadda, laguna kala fogeynayo ciidamada isku horfadhiya magaalada.

DHEERAAD:  Mas’uul gaadiid kala soo goostay Somaliland oo ku biiray SSC

Waxaa sidoo kale laga digayaa in khilaafka gudaha uu saameyn ku yeesho dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, maadaama ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay door muhiim ah ku leeyihiin amniga gobolka Hiiraan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News