Jalalaqsi(Kaab TV) – Degmada Jalalaqsi gobolka Hiiraan waxaa weli ka taagan xaalad kacsanaan ah ka dib markii saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka socdeen dagaallo culus oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan Gudaha Degmada Jalalaqsi.
labada dhinac ayaa isku horfadhiya gudaha degmada Jalalaqsi, iyadoo mar kasta la filan karo inuu dagaal cusub qarxo, maadaama dhinacyadu ay wadaan isu-uruursi ciidan iyo gurmadyo dheeraad ah.
Dagaalladii qaraaraa ee dhacay muddadii lasoo dhaafay ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tiradooda. Sidoo kale, waxaana la gubay guryo badan oo ku yaallay degmada Jalalaqsi.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya maleeshiyaad iyo dad rayid ah oo gubaya guryo ay dadkii deggenaa ka barakaceen, arrintaas oo sii kordhisay saameynta colaadda ka aloosan degmada, isla markaana sare u qaadday walaaca laga qabo inay kusii fido deegaanno kale.
Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa loogu baaqay inay u istaagaan xal u helidda colaaddan, si looga hortago inay sii xoogeysato, maadaama saameynteeda durba laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

