GAROWE (KAAB TV) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bayaan uu soo saaray dalab cusub ugu diray golaha Wakiilada Puntland kaas oo laxiriira dhismaha Xukuumada.
Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa ayaa baarlamaanka ka codsaday in lasiiyo muddo 45-cisho ah ugu daraan si uu usoo magacaabo golihiisa Wasiirada Cusub.
Dhanka kale, wararka qaar ayaa sheegay in uu madaxweyne Deni uu dalabkaasi gaarsiiyay golaha wakiilada Puntland si loo siiyo waqti kufilan.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa arrimahan sabab ugu dhigaya in uu ku mashquul sanyahay dhismaha Xukuumad cusub islamarkaana uu sameynaayo wadatashiyo guud oo ku aadan dhismaha gole wasiiro.
Sidoo kale, wararka kala duwan oo kasoo baxaya madaxtooyada Puntland ayaa iyagana sheegaya in madaxweynuhu rabo in uu marka hore uu uboxo safar dibadda ah taasina waxa ay qeyb katahay waxyaalaha dib udhaca ku keenaya soo xulista golaha wasiiradda maamulka Puntland.
Siciid Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul goboleed oo labo mar iskuxigto loo doorto xilka madaxtinimada maamulkaasi.
Ugudambeyn, arrimahan oo isbiirsaday ayaa kusoo beegmaya xili maalinmadii Khamiistii magaalada Garoowe uu kadhacay caleema saarka madaxweyne Siciid Deni iyo kuxigeenkiis Ilyaas Lugatoor.

