Deni oo sheegay in Puntland aysan aqbali doonin faragelin amni oo kaga timaada dowladda Federaalka

|

Garawe(Kaab TV) -Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ku tumatay dastuurkii lagu heshiiyay, isla markaana ay dhaawacday nidaamka federaalka iyo hay’adihii dowladda.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda 1-da Luulyo ee ka dhacday Garoowe, ayuu Deni sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado siyaasadeed oo ka dhashay burburkii dowladdii dhexe, isagoo sheegay in rajadii dib loogu dhisi lahaa dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan heshiis iyo wadajir ay maanta halis ku jirto.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay “laashay dastuurkii lagu heshiiyay”, isla markaana ay wiiqday nidaamka federaalka iyo madax-bannaanida hay’adaha dowladda.

Waxa uu sidoo kale ku dooday in ciidamada qaranka loo adeegsaday dano siyaasadeed, isagoo tusaale u soo qaatay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay in lagu bartilmaameedsaday siyaasiyiin  iyo odayaal dhaqameed.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay mar walba u taagan tahay midnimada Soomaaliya iyo ilaalinta nidaamka federaalka.

Isagoo ka hadlayay wararka la xiriira qorista ciidamada federaalka ee Puntland, ayuu sheegay in amniga Puntland uu sugan yahay, islamarkaana aan loo baahnayn ciidamo dibadda looga keeno. Waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay isku dayeyso inay carqaladeyso horumarka iyo xasilloonida Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda, kana feejignaadaan waxa uu ku tilmaamay “dacaayado iyo qorshayaal lagu khaldinayo bulshada.”

Deni wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland ay sii wadi doonto difaaca amnigeeda iyo ilaalinta nidaamka federaalka, isagoo xusay in ciidamadeedu heegan u yihiin difaaca shacabka iyo deegaannada Puntland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu dalka ku hoggaaminayo aragti siyaasadeed oo gaaban, isla markaana uu ka leexday heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhisay dowladda federaalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News