Dhulgariir laga dareemay qeybo kamid ah Soomaaliya

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Wararka naga soo gaaraya Gacanka Cadmeed, gaar ahaan aagga u dhexeeya Soomaaliya iyo Yaman, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka oo Khamiis ah uu halkaas ka dhacay dhulgariir xooggan.

Sida uu baahiyay wargeyska Volcano Discovery oo ku takhasusay la socodka dhaqdhaqaaqa dhulka, dhulgariirkan ayaa cabbirkiisu ahaa 5.1 (Magnitude). Wuxuu dhacay qiyaastii saacaddu markii ay ahayd 6:53 AM ee xilliga maxaliga ah.

Xogta ayaa tilmaamaysa in Dhulgariirka ka dhacday meel badda dhexdeeda ah oo qiyaastii 152 KM u jirta xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan waxay 179 KM dhanka waqooyi ka xigtaa deegaanka Ceel Dibir ee gobolka Bari

In kasta oo dhulgariirka cabbirkiisu sarreeyey, khubaradu waxay sheegeen inuu ahaa mid gabaabsan, taas oo inta badan keenta in la dareemo, balse illaa hadda ma jiraan dad deegaanka ah oo soo sheegay ruxan, sidoo kale ma jiraan wax khasaare ah oo la soo wariyay.

Dhulgariirkan ayaa ku soo beegmaya xilli qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah laga dareemayo isbeddelka cimilada, sida dabeylo xooggan iyo roobab ka curtay caasimadda iyo gobollada dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News