Tel Aviv (KAAB TV) – Dibad-baxadyo balaaran oo looga soo horjeedo Benjemin Netenyahu ayaa ka socdo waddooyinka magaalooyinka Tel Aviv, Caesarea iyo Haifa, waxayna dalbanayeen inuu is casilo Benjamin Netanyahu, lana soo hormariyo doorashooyin.
Sidoo kale, dadka dhigaya dibad-baxayaasha ayaa ku baaqaya in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Isra’iil ee lagu haysto Qaza muddada lixda bilood ah ee dagaalku socdo.
Dadka reer Isra’iil badan ayaa ruxayay calanka Isra’iil, waxayna kor u taageen boorar ay ku qoran yihiin sawirrada dadka la qafaashay, iyagoo ugu baaqay dowladda inay nolol ku keento.
Dhanka kale, magaalada caasimada ah ee Tel Aviv, waxaa laga maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqaya: “Annagu ma cabsanayno, dalkiina waad burburiseen, annagana waanu hagaajinaynaa, waxaanu doonaynaa in iyaga (la haystayaashii) dib loo soo celiyo iyagoo nool oo aan naxash lagu ridin.”

Dibad-baxayaashan ayaa sita calammo iyo boorar, waxaana mid ka mid ah ku qornaa, “Xukuumaddii dalka burburisay, qarankiina kala gooysay”.
Boorar kale ayaa ku baaqayay “Kala qaybinta diinta iyo dawladda,” mid ka mid ah ayaa sheegay in “Netanyahu wuxuu khatar ku yahay Israa’iil.”
Dibad-baxayasha ayaa ku tilmaamay dowladda mid fashilantay, iyagoo sheegay in Netanyahu uu yahay “dambiile”.

