Diyaarad lagu rasaaseeyay garoonka degmada Waajid ee gobolka Bakool

|

Waajid (Kaab TV) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdo maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo rasaas lagu furay diyaarad ay leedahay shirkadda Star Airline oo ku degi lahayd garoonkaas.

Diyaaradda ayaa markii ay gaartay hawada degmada Waajid, isuna diyaarinaysay inay ku degto dhabaha garoonka, ayaa waxaa rasaas  ku furay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan gudaha garoonka.

Rasaastan ayaa keentay in duuliyihii diyaaradda uu degdeg u go’aansado inuu dib uga kaco garoonka, isagoo markii dambe dib ugu soo laabtay hawada sare, kadibna ka soo laabtay deegaankaas isagoon wax fariisasho ah sameyn.

Ciidanka rasaasta ku furay diyaaradda ayaa la sheegay in ay hoos yimaadaan maamulka madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin khasaare nafeed ama mid hantiyadeed oo ka dhashay rasaastaas, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News