Doorashada deegaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ee Baraawe oo lasoo gaba gabeeyay.

|

Baraawe (KAAB TV) -Doorashada deegaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ee Baraawe ayaa lasoo gaba gabeeyay sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxaana duqa magaalada loo doortay Cumar Cabdullaahi Maxamuud oo helay 22 cod oo uu ku hubsaday xilka Duqa magaalada.

Axmed Cabdi Yuusuf ayaa la sheegay in uu ku guuleystay jagada ku xigeenka koowaad ee duqa magaalada, waxaana ku xigeenka labaad loo doortay Binti Sayid Bakar Jamaal, kaddib doorashadii deegaanka oo dhacday.
Arrintan ayaa timid ka dib doorasho adag oo loollan adag, waxaana madaxda cusub ee dhawaan la doortay laga sugayaa in ay ku soo kordhiyaan xirfadahooda iyo waayo aragnimada magaalada, iyagoo magaalada u gudbinaya meel sare.

Waxaa baaqday duulimaadyo iyo xayiraad lagu soo rogay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada xeebta ah ee Baraawe ka hor inta aan la gaarin doorashada si loo sugo ammaanka guud ee magaalada Baraawe sida ay sheegayaan warar si hoose loo helayo.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan C/qaadir oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa tilmaamay in sababta loo hakiyay dhaq dhaqaaqaasi ay tahay sidii loo sugi lahaa amniga guud ee magaalada, ka hor inta aan la gaarin doorashada deegaanka, waxa uuna tilmaamay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen. xasiloonida magaalada ayaa la sugay

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News