Ehellada Macalin Cabdiraxmaan Macaloow oo dibad bax kadhigay Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ehelada Macalin Cabdiraxmaan Macaloow oo maalmo kahor lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa maanta dibaxyo kadhigay afaafka hore ee Isbitaal Madiino ee magaalada Muqdisho.

AUN marxuum Cabdiraxmaan Macaloow oo meydkiisa ilaa haatan uu kujiro Filinjeer ayaa eheladiisa waxa ay fariin culus udireen dowladda Federaalka, iyagoona ugu baaqay inay dowladda gacanta kusoo dhigto eedeysanaha oo ilaa haatan ku dhuumaaleysanaya gudaha caasimada Muqdisho.

Dibad baxayaasha ayaa waxa ay dalbanayeen in cadaalad loohelo marxuum Cabdiraxmaan Macaloow oo kamid ahaa macalimiinta wax kadhigta Iskuulka Siidii oo kuyaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

dadkan dhigaayay dibaxa ayaa waxaa qeyb ka ahaa bahda waxbarashada gobolka Banaadir oo sheegay inay cadaalad uhelaan macalin Cabdiraxmaan Macaloow oo maalintii lixaad Filinjeer kujira.

Dilka macalin Cabdiraxmaan Macaloow, ayaa waxaa kadhashay carooyinka badan, waxa uuna sbab unoqday in muddo saddex maalin ah uu shaqo joojin uu kuyimaado Iskuulada iyo Jaamacadaha kuyaala magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News