Falalka dhaca ah oo ku badanaya magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

|

Baledweyne (KAAB TV)-  Burcad qaarkood ku labisan dareyska ciidamada watana bistoolado iyo qoryaha AK-47 ayaa maalmihii ugu danbeeyey falal dhac ah ka geysanayey gudaha magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Burcadan ayaa bartilmaameedsata dadka wadooyinka maraya iyagoo habeen walba dhac ka geysta taas oo wal wal ku abuurtay dadka ku nool magaalada baladweyne.

Raggan burcada ah ayaa taleefanada ka dhaca dadka shacabka ah waxeyna jir dilaan kuwa ka dhaga adeega in ay dhiibaan taleefanadooda.

Falka dhaca la xiriira ayaa soo kordhayey magaalada baladweyne bisha aynu ku guda jirno iyo midii ka horreysay ka dib markii la badalay ciimadii horay u jogaay magaaladas.

Arrintan ayaa wal wal ku beertay shacabka magaalada ku nool, waxeyna sababtay in dadka guryahooda ay ku xaroodaan, wixii ka danbeeya salaada cisho taas oo saameysay ganacsigii xowliga ku socday maglaada.

Tallaabadan ayaa muujineysa in maamulka gobolka hiiraan uu ku fashilmay xaqiijinta amniga.

Amniga magaalada baladweyne waxaa hada lagu wareejiyay ciimada dowlada soomaaliya ka dib markii ay ka baxeen ciidamada atmis gaar ahaan kuwa jabuuti oo ka baxay qeybo ka mid ah magaalada baladweyne.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News