Feysal Cali Waraabe oo hampalyo udiray Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Keir Starmer

|

Hargeysa (KAAB TV) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa u hambalyeeyay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska  Keir Starmer, kaddib markii xisbigiisa ku guuleestay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Sidoo kale, Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo guusha Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska, waxa uuna ugu baaqay inuu xoojiyo xiriirka  soo jireenka ah ee dalkiisu la leeyahay maamulka madax-bannaanida raadinaya ee Somaliland.

Dhanka kale, Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in guusha  Keir Starmer ay tusmaynayso inuu fursad u haysto uu dib ugu soo celiyo midnimada iyo adeegyada guud ee dalkiisa UK iyo kor u qaadista heerka iyo mustawaha Ingiriisku ka joogo caalamka.

Waxa uu sheegay Faysal Cali Waraabe in uu ka filayo Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska inuu xoojiyo xiriirka guunka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo UK, waxa uuna rejo ka muujiyay in uu wanaajin doono xiriirka Somaliland kala dhaxeeyo Ingiriiska.

Ugudambeyn, Faysa Cali Waraabe ayaa sidoo kale ugu baaqay  Keir Starmer in dawladiisu si togan u soo dhaweyso heshiiska is-faham ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu xusay inuu aaminsan yahay inuu isbeddel weyn oo macno leh ku samayn doono arrimahaas oo dhan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News