Axmed Macalin Fiqi ayaa ku hanjabay in madaxa laga jebin doono rag uu ugu horreeyo Shariif Sheikh Axmed haddii ay isku dayaan wax u dhimidda amniga magaalada.
Fiqi ayaa sheegay in aan laga yeeleyn mucaaradka oo uu Shariif ugu weyn yahay in ay magaalada qoryo u soo qaataan.
Waxaa uu sheegay in ay Magaalada amaan tahay islamarkaana nabadda la wada ilaashado hayeeshee waxaa uu sheegay in haddii ay taa diidaan madaxa laga jebinayo
Isaga oo Mucaaradka wali uleynaya ayaa ugu baaqay in ay fagaarayaasha magaalada ciyaaraha kula daawadaan dhallinyarada iskana daayaan waxa uu ku sheegay colaad hurinta .
Fiqi oo mucaaradka u bixiyay madasha calaalka ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu hadda yahay xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka loona baahanyahay in uu ku ekaado shaqada xildhibaannimada.
Fiqi ayaa fagaare ku yaalla Muqdisho ciyaartii xalay dhallinyarada kula daawanayay isaga oo sida uu sheegay taageeryay Spain,Messi iyo Argentina uu ku diiddanaa taageeradooda Yuhuudda.

