Gaalkacyo: Dr: Faarax Maxamed Cabdi oo dib u helay xorriyadiisa

|

Gaalkacyo(Kaab TV) – Dr: Faarax Maxamed Cabdi oo muddo 12 berri ah afduub loogu haystay degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa maanta dib u helay xorriyadiisa.

Qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka gobolka Mudug ayaa ku guuleystay in ay kala soo wareegaan maleeshiyaadkii haystay iyadoo isla maanta lagu wareejiyey Mas’uuliyiin katirsan Puntland iyo Dhakhaatiirtii uu katirsanaa.

Mid kamid ah waxgaradka degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa  u sheegay warbaahinta  in degmada loogu qaban doono munaasabad soodhaweyn iyo xaalmarin isugu jirta inta uusan ku laaban degmada Galkacyo ee gobolka Mudug.

Dr: Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ah hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) ee ka howlgasha isbitaalka guud ee Gaalkacyo ayaa 22-kii bishii hore ee Abriil laga afduubay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Dhakhaatiirta gobolka Mudug oo uu ka tirsanaa ayaa  ku farxay sii dayntiisa waxaana ay bilaabeen  inay isu diraan fariimo hambalyo, iyagoo isu diyaarinaya inay soo dhaweeyaan  Dr. Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ah hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) ee ka howlgasha isbitaalka guud ee Gaalkacyo .

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News