MUQDISHO (Kaab TV) -Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka uu si tartiib ah uga guurayo nidaamkii ku salaysnaa siyaasadda shaqsiyaadka iyo awood-qaybsiga qabiilka, isla markaana uu u socdo hannaan cusub oo ku dhisan xisbiyo siyaasadeed iyo doorasho qof iyo cod ah.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey munaasabadda caleemasaarka Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sheegay in Soomaaliya “ay ka daashay siyaasadda ku saleysan shakhsiga,” ayna lagama maarmaan tahay in loo gudbo nidaam dowladeed oo hay’ado iyo xisbiyo adag ku dhisan.
Waxa uu xusay in inkastoo ay jiraan caqabado amni iyo duruufo sababay in doorashooyin aan laga qaban karin dhammaan deegaannada dalka, haddana horumarka la gaaray uusan ahayn mid la iska indho tiri karo, isla markaana dib u dhacyadu aysan ka dhignayn in geeddi-socodka siyaasadeed hakad galay.
“Dalku wuxuu bilaabay isbeddel siyaasadeed oo weyn, waxaana si tartiib ah looga gudbayaa doorashooyinkii dadban iyo nidaamkii ku salaysnaa awood-qaybsiga qabiilka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay in Xisbiga JSP uu xaq u leeyahay saamiga ugu badan ee golaha wasiirrada ee la dhisayo, hase yeeshee ay jiri doonto in sidoo kale la tixgeliyo xisbiyadii kale ee ka qayb galay doorashooyinka.
Hassan Sheikh Mohamud ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, ka dib markii uu saacado kooban ku sugnaa magaalada Baidoa, halkaas oo uu kaga qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Sheikh Adan Mohamed Nur (Madobe).
Inkasta oo markii hore la filayay in muddo ku sugnaado Baydhabo, haddana dib ayuu ugu soo laabtay Muqdisho sababo la xiriira xaaladda amniga. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa magaalada ay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga hawada ka ilaalinayeen goobta munaasabadda.
Sidoo kale, xilligii ay munaasabaddu gaba-gabada ahayd ay madaafiic hoobiyaal ah ku dhaceen meel lagu qiyaasay inay qiyaastii 200 mitir u jirto madaxtooyada Koonfur Galbeed. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama maamulka Koonfur Galbeed oo xaqiijinaya khasaaraha ama faahfaahinta weerarkaasi.
Magaalada Baydhabo muddooyinkii u dambeeyay Waxaa ay wajahaysay xaalad amni oo sii xumaanaysa, iyadoo ay soo noqnoqdeen weerarro ay la kulmaan ciidamada taageersan maamulka. Baydhabo, oo muddo ka badan 15 sano lagu tilmaami jiray mid ka mid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya ee lagu qabto shirarka waaweyn, ayaa hadda wajahaysa caqabado amni oo isa soo taraya, kuwaas oo ka dhashay isbeddelladii siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed.

