Heshiiskii Itoobiya iyo aqoonsigii Israa’iil: Labadii dhacdo ee mideeyey dareenka shacabka Soomaaliyeed

|

Labadii sano ee lasoo dhaafay, Soomaaliya waxay wajahday laba dhacdo oo diblomaasiyadeed oo si weyn u taabtay madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, kuwaas oo kala ahaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ee Janaayo 2024 iyo aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland bishii Diseembar 2025.

Labada dhacdo ayaa dhaliyey falcelin xooggan oo gudaha dalka ah, iyadoo dowladda federaalka, siyaasiyiinta, shacabka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay muujiyeen mowqif ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Qoraal lagu faafiyey baraha bulshada ayaa dhacdooyinkaas ku tilmaamay waqtiyo ay shacabka Soomaaliyeed albaabkooda u fureen Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo micnaheedu yahay in labada xaaladood ay abuureen taageero iyo garab-istaag dadweyne oo ku saabsan mowqifka difaaca midnimada dalka.

1-dii Janaayo 2024, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo hoggaamiyihii Somaliland ee xilligaas, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo la xiriiray marin-badeedka.

Heshiiska ayaa la sheegay inuu Itoobiya siinayay fursad ay ku isticmaasho dhul xeebeed gaaraya 20 kiiloomitir, muddo 50 sano ah, iyadoo dhinaca Somaliland uu sheegay in heshiiskaasi uu horseedi doono aqoonsi rasmi ah oo ay Itoobiya siiso Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska, iyadoo ku tilmaantay mid ka hor imaanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markaas sheegay in aanay jirin cid awood u leh inay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya cid kale ku wareejiso.

DHEERAAD:  Madaxweynaha Somaliland oo ku gorgortami doono aqoonsi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale u yeertay safiirkeedii Itoobiya, halka baarlamaanka federaalku uu qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo lagu diidayay heshiiska.

Arrintan ayaa dhalisay bannaanbaxyo ka dhacay Muqdisho iyo magaalooyin kale, iyadoo shacabka qaarkood ay muujiyeen taageerada ay u hayaan mowqifka dowladda ee ilaalinta midnimada dalka.

Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sii xoogaystay kaddib heshiiskii is-afgaradka, waxaana muddo bilo ah jiray walaac laga qabay inuu murankaasi isu beddelo khilaaf amni iyo mid milatari.

Dadaallo diblomaasiyadeed oo ay hormuud ka ahayd dowladda Turkiga ayaa ugu dambayn horseeday in 11-kii Diseembar 2024 ay Ankara ku kulmaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Labada hoggaamiye ayaa soo saaray Baaqa Ankara, kaas oo ay ku xaqiijiyeen ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in Itoobiya ay hesho marin-badeed lagu kalsoonaan karo, iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana arrinta lagu dhammeeyo heshiisyo ganacsi oo labada dhinac dan u ah.

Heshiiska Ankara ayaa noqday tallaabo muhiim u ah dejinta xiisaddii labada dal, inkastoo su’aalo ku saabsan xiriirka Itoobiya iyo Somaliland ay sii jireen.

Ku dhowaad laba sano kaddib heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, waxaa dhacay dhacdo kale oo diblomaasiyadeed oo saamayn weyn ku yeelatay Soomaaliya.

26-kii Diseembar 2025, dowladda Israa’iil ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan. Tallaabadan ayaa Israa’iil ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsada Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga horyimid go’aanka Israa’iil, isaga oo ku tilmaamay mid khatar ku ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

DHEERAAD:  Isimmada SSC Khaatumo oo go'aan ka soo saaray doorashada Puntland

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintaas kala hadlay baarlamaanka federaalka, waxaana labada aqal ee baarlamaanka ay si wadajir ah u cambaareeyeen aqoonsiga Israa’iil.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in aanay jirin cid dibadda ka timid oo awood u leh inay beddesho xuduudaha iyo midnimada dalka.

Go’aanka Israa’iil ayaa dhaliyey falcelin ballaaran oo ka timid dalal iyo ururro caalami ah.

Masar, Turkiga, Jabuuti, Sacuudiga iyo dalal kale ayaa muujiyey diidmada ay ka qabaan aqoonsiga Israa’iil, iyagoo dib u xaqiijiyey taageerada ay u hayaan madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD ayaa sidoo kale ku celiyey muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa iyaduna ka hadashay saameynta ay tallaabadaasi ku yeelan karto xasilloonida gobolka, iyadoo ku baaqday in la ilaaliyo shuruucda caalamiga ah, lana dhiirrigeliyo wada-hadal nabadeed oo dhex mara Soomaaliya iyo Somaliland.

Labada dhacdo waxay Xasan Sheekh Maxamuud geliyeen xaalado diblomaasiyadeed oo xasaasi ah, maadaama uu wajahayay arrimo si toos ah u taabanaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Sannadkii 2024, wuxuu ka horyimid heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, isaga oo ku adkaystay in arrimaha la xiriira dhulka iyo badaha Soomaaliya aan lagu heshiin karin iyada oo aan dowladda federaalka qayb ka ahayn.

Dabayaaqadii 2025, wuxuu mar kale diidmo cad ka muujiyey aqoonsiga Israa’iil, isagoo arrintaas horgeeyey baarlamaanka, isla markaana dadaallo diblomaasiyadeed ka sameeyey sidii loo heli lahaa taageero caalami ah oo lagu difaacayo midnimada Soomaaliya.

Qoraalka lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay labadaas dhacdo ku fureen albaabkooda Xasan Sheekh wuxuu xambaarsan yahay aragti siyaasadeed oo tilmaamaysa in difaaca midnimada dalka uu noqday arrin ay dad badan ku midoobeen, inkastoo taageeradaas aan loo qaadan karin mid muujinaysa in dhammaan shacabka ay isku mowqif ka yihiin siyaasadda gudaha ee madaxweynaha.

DHEERAAD:  Muungaab oo diyaarad ku tagay furumaha hore ee dagaalka

Inkasta oo labada dhacdo ay abuureen dareen qaran oo xooggan, haddana Soomaaliya waxaa weli ka jira khilaafaad siyaasadeed, muranno la xiriira dastuurka, doorashooyinka, awood-qaybsiga iyo xiriirka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Arrimahaas ayaa muujinaya in difaaca madax-bannaanida dalka uu u baahan yahay dadaal ka baxsan jawaabaha diblomaasiyadeed, isla markaana ay muhiim tahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gudaha ah.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News