Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa digniin u diray Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo uga digay cawaaqibka ka dhalan kara weerar lagu qaado xarumaha ay ku sugan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee magaalada Muqdisho.
Xisbigu wuxuu sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu qaadi doono masuuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha weerar lagu qaado xarumaha mucaaradka, wuxuuna dowladda uga digay abaabulka ciidan ee uu sheegay in xukuumaddu waddo.
War-saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in tallaabo kasta oo ciidan oo ka dhan ah xarumaha siyaasiyiinta mucaaradka ay sii adkayn karto xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay keeni karto cawaaqib aan la saadaalin karin.
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu qaadi doono masuuliyadda iyo cawaaqib-xumo kasta oo ka dhalata duullaan lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka xisbiga.
Digniinta Himilo Qaran ayaa imaanaysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, qoraalka xisbiga ayaa soo baxay xilli la sheegay in ciidamo dowladda ka tirsan lagu arkay waddooyinka gala guryaha ay siyaasiyiinta mucaaradku ka deggan yihiin agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Joogitaanka ciidamada ee waddooyinkaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho iska horimaad.
Ilaa hadda, xogta la soo bandhigay ma caddaynayso in go’aan rasmi ah laga gaaray weerar lagu qaado xarumaha mucaaradka. Digniinta Himilo Qaran waxay muujinaysaa heerka uu gaarsiisan yahay walaaca mucaaradku ka qabo tallaabooyinka amni ee dowladda, iyadoo xaaladda siyaasadeed ay u baahan tahay in lagu wajaho wada-hadal iyo xal nabadeed.


